xagal qumman
(m.dh) (-llo ..., m.dh)

(xis.) Xagasha cabbirkeedu dhanyahay 90° ama P/2 gacasin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xagal qumman

xagal fiiqan [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay 0° kana yaryahay xagal qumman (90° ama P/2 gacansin).

xagal furan [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).

xagal janjeedh [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagal cabbirkeedu aan ahayn xagal qumman iyo dhufsane qumman midna.

xaglo-isqummiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Lammaane xaglo ah oo wadartoodu tahay xagal qumman ama P/2 gacansin.

darajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (xis.) Summad: (°). Halbeeg lagu cabbiro xaglaha sallaxa ah, taasoo la mid ah 1/360 wareeg dhammaystiran ama 1/90 ka xagal qumman. 2. (xis.) Jibbaarka doorsoome ku jira tibix. Tusaale ahaan tibixda 3y . Tibixda ah 3x y z darajadu waa wadarta jibbaarrada doorsoomayaasha oo ah 6. 3. (xis.) Darajada tibxaale ama isle'eg: waa darajada tibixda leh darajada ugu sarreysa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg